Allbanaadir.com
NEWS

Nin Muqdisho ku gowracay wiil yar uu adeer u ahaa iyo booliiska oo ka hadlay

Nin dhallinyaro ah ayaa shalay galab degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir ku gowracay wiil 8-sanno jir ah uu adeer u ahaa, waxaana dhacdadan aad uga naxay dadka deegaanka falkan uu ka dhacay.

Ciidamada booliiska ee ka howlgala saldhigga degmada Xamar Jajab ayaana si deg deg ah gacanta ugu soo dhigay ninka gowracay wiilka uu adeerka u ahaa, waxaana ninkaasi lagu xiray xarunta CID-da oo lagu baarayo falkan uu geestay.

”Ciidanka booliiska aaldhiga degmada Xamar Jajab ayaa qabtay nin gowracay wiil uu adeer u ahaa, falkaan ayaa dhacay Abaaro 5:40pm waxa uuna ka dhacay isla degmada Xamar Jajab. Wiilka ayaa da’ ahaan jiray 8 sanno, eedeysanaha falka geystay ayaana hada ku jira gacanta booliiska, waxaana socda baaritaan” ayaa lagu yiri warka booliiska kasoo baxay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ninkan wiilka uu gowracay uu ahaa agoon aabihiis dhintay, ilaa haddana lama oga sababta ninkan ku kaliftay in uu mindi ku gowraco wiilka 8-sanno jirka ah uu adeerka u ahaa.

Dilalka iyo dhacdooyinka kale ee argagaxa leh ayaana muddooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana dhacdooyinkaasi qaarkood loo aaneeyaa in ay sabab u yihiin maandooriyaha dadka qara isticmaalaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha caalamka oo bilowday isku day lagu joojinayo qorshaha muddo kordhinta Farmaajo

Caydiid Ali

Qareen Xaday Lacag badan oo Soomaaliya leedahay oo Dacwado lagu soo oogay

Cabdi Cade

Qalabka Baarista & ka hortaga Coronavirus oo caawa Muqdisho la keenay (Sawirro+Video)

Caydiid Ali