Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Raisi oo ku hanjabay in jawaab adag ka bixin doonaan Weerar Isra’il geesatay

Madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raisi ayaa si adag uga hadlay weerar dhinaca cirka ah oo Israa’iil ka fulisay gudaha dalka Syria, weerarkaasi waxaa lagu dilay saraakiil katirsan ciidamada kacaanka Iran iyo kuwa kale oo kasoo jeeda Syria.

Ebrahim Raisi ayaa sheegay in Israa’il masuul ka tahay weerarkan oo lagu dilay shan sargaal oo katirsanaa ciidamada kacaanka Iran, waxa uuna tacsi u diray ehelada saraakiishan weerarka lagu dilay.

Waxa uu ku hanjabay madaxweynaha Iran in jawaab adag ka bixin doonaan weerarkan lagu dilay saraakiishooda una aargudi doonaan, waxa uuna weerarkan ku tilmaamay mid fuleynimo iyo daan daansi ah.

Israa’iil ayaa marar badan gudaha dalka Syria ka fulisay weeraro badan oo lagu dilay saraakiil iyo ciidamo katirsan kacaanka Iran iyo kuwa Syria, mana jiraan jawaabo adag ay arrintan horey uga bixisay Iran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jabhada Gacan libaax oo War cusub ka soo saartay dagaalkii dhacay shalay

Caydiid Ali

Wararkii Ugu dambeeyay Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Ankara

Cabdi Cade

Saraakiishii ugu horeysay ee ciidamada oo ka qelin jebiyey Saldhiga Turkiga (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---