Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Sisi: “Uma dulqaadaneyno xad gudub kasta oo lagu sameeyo Somalia”

Masar ayuu Al-sisi ku sheegay in Masar aysan aqbali doonin xadgudub kasta oo ka dhana Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Masar ayaa si cad u sheegay inay diidan yihiin Is afgaradkii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya ayna la dhinac yihiin Soomaaliya.

“Cidna dani uguma jirto in la tijaabiyo dulqaadka Masar oo loo hanjabo walaalaheed”, ayuu yiri Madaxweyne Al-Sisi

“Masar waxay ku taagan tahay go’aan adag oo ay ku ilaalinayso amniga Soomaaliya, lama ogolaan doono cid dibadda ka ah oo khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed ama ammaankooda wax u dhimaysa, waxaan si hagar la’aan ah u garab taagannahay walaalaheen, haddii ay noo yeeraana kama baaqan doono”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Al-Sisi.

Madaxweynaha Masar oo hadalkan jeediyey ka dib kulan uu la uu la qaatay dhigiisa Somalia ayaa xusay in xeerka Jaamacada Carabta oo ay Soomaaliya iyo dalkiisuba xubin ka yihiin uu qabo in wadajir loo difaaco dalkii carbeed ee ay soo food saarto khatar jiritaan, isagoo u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya inay diyaar u yihiin haddii ay u baahdaan

Soomaliya iyo Itoobiya ayaa xiisada u dhaxaysa oo ka dhalatay is-afgaradkii dhexmaray Somaliland iyo Itoobaya ee badda waxaa uu gaaray halkii ugu xumayd.

Muqdisho ayaa qaaday talaabooyin ‘xoog leh’ oo diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso inay Itoobiya ku caadadiso si ay uga laabato heshiiskaas. Sidaas waxaa qaba xeeldheerayaal arimaha caalamiga ha ka faalooda.

IGAD, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa cadeeyay mowqfikooda ku aadan xiisadda u dhaxaysa labada dal. Waxay ku adkeysteen in aan lagu xadgudbin madaxbanaanida dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.

Masar iyo Itoobiya ayaa horay waxaa uga dhextagnaa xiisad muddo sanooyin ah socta oo ku saabsan qaybsiga qayraadka biyaha webiga Niil, kaas oo Qaahira si weyn u diidan tahay biyo xireenka ay Itoobiya ka dhistay halka ay ka yimaadaan biyaha Niilka.

Labada dal – Masar iyo Itoobiya ayaa is dhafsaday hadalo diblomaasiyaeed oo adag, tan iyo markii xiisad cusub ka dhex bilaabatay Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Related posts

Culimo Quraan-saar u socday oo ku dhamaaday Qarax ka dhacay duleedka Xudur

Caydiid Ali

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Seerbiya (Sawirro)

Cabdi Cade

Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar iyo Jaamacada Carabta oo geeriyooday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---