Daagaal Gelistiisu Waxey Ka Bilaabataa Adkeynta Difaaca Madaxda
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamud waxaa la gudboon inuu ka fiirsado tegida Garowe oo ay isbuuc ka hor ay halkaas joogeen saraakiil sare oo ka tirsan sirdoonka Itoobiya, waxaana haboon inta ay taagan tahay xasarada Itobiya inuusaaan tegin maamul goboleedyaada ay sida tooska ah u farageliyaan, maxaa yeelay waxaa dagaalka diblomaasiyadeed qeyb ka ah dagaalka sirdoon ee lagu bartilmaameysanayo madaxda ugu sareysa cida ay u arkaan cadowgooda.
Puntland iyo Somaliland wax farqiya uma dhexeeyo marka laga reebo in Somaliland ay ka daacadsan tahay Puntland oo ay si toosa u sheegatay daaaamaceeda gooni isu taaga, meesha ay Puntland u dhaqmeyso sida Somaliland, balse ay weli isaaaga dhigeyso mid ka mida maamulaada hoos yimaada dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxeyna labadaas maamul ka wada siman yihiin sida ay u hoos yimaadaan amarada uga yimaada Imaraadka iyo Itobiya.
Itoobiya awooda sirdoon oo ay ku soo faragelineyso maamul goboleedyada Soomaaliya waxey salka ku haysaa heshiisyada ay ciidamadoodu dalka ku joogaan, waxaana sidaas loogu baahan yahay in ciidaamaada Itobiya ee jooga Soomaaliya marka hore dalka laga saaro inta aysaan bilaabin faragelin mileteri oo ay xoog ugu sameeyaan waqooyiga Soomaaliya oo ay daaamacsan yihiin iney gebi ahaan ku darsadaan dalkooda.
Dowladda Soomaaliya waxaa hadda looga baahan yahay iney bilowdo dagaalka warbaahinta oo ay ku tebiso aafafka Oromada iyo Cafarta, meesha looga baahan yahay dowladda Eritereya iney iyaduna ku tebiso aafafka Tigreyga iyo Amxaarada, waxaana dowladda Soomaaliya looga baahan yahay iney qowmiyadaaha deriska la ah Soomaalida ay quluubtooda kasbato, kuna baraarujiso isku dirka ay dowladda Itobiya ay ugu horseedeyso iney colaado ka dhex abuurto Soomaalida iyo walaalahooda deriska la ah.
Waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya looga baahan yahay iney bilowdo dagaalka sirdoonka oo ay kula jirto dowladda Itobiya, waxaana dagaalkaas lagu bartilmaameysanayaa sirdoonka Itobiya ee ku dhex milan dowladda iyo shacabka Soomaaliya, kuwaas oo dowladda Soomaaliya darajooyin ku dhex leh ama shacabka Soomaaliyeed ugu dhex nool adeegyo bulsho oo ay u qaabtaan, waxaana sidoo kale hayadda sirdoonka Soomaaliya looga baahan yahay in gudaha Itobiya ay ku dhex beerto sirdoon si dhow ula socda dhaqdhaqaaqa Itobiya ee ku aadan Soomaaliya.
Waxaan shaki lahayn in Muse Biixi uu saxiixay wax ka weyn badda Saylac iyo Lughaya u dhaxeysa, maxaayeelay mar uu warbaahinta la hadlayey afhayeenka wasaaradda arrimaha dibeda Itobiya oo ka jawaabayey war-murtiyeedka ka soobaxay jaamacadda Carabta oo mowqifka dowladda Soomaaliya isgarab istaagtey, ayuu ku tilmaamay go’aankooda mud xadgudub ku ah faragelinta arrimaha gudaha Itobiya, wuxuuna hadalka ninkaas uu ka turjumayaa in Somaliland ay qeyb ka mida tahay dhulka dowladda Itobiya.
Marka ay xaalad adag u dhexeyso laba dal oo ay ismariwaa ay ka dhex taagan tahay, waxey dalalkaas xalka ugu horeeya ay ka raadiyaan iney si qarsoodiya hawlgab uga dhigaan madaxa dowladda ay iska soo horjeedaan ama ay meesha ka saaraan, iyaagoo shirqool ku dilaya ama afgembi ku sameynaya ama dibeda dalka uga masaafurinaaya, waxaana ay tilaabooyinkaas ay ku dhacaan dalka ay ciidamada iyo sirdoonka dalka kale ay gudahooda ku xoog badan yihiin. oo qorshooyinkaas halista badan si fudud looga fulin karo.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
saciidciise258@aol.com