Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlad shaacisay iney ka baxday urur goboleedka IGAD & sababta ka dambeysa

Sudan ayaa joojinaysa xubinimadeeda ururka Igad ee waqooyi bari Afrika isku day ay ku dhexdhexaadinayso colaada ka jirta dalkaasi.

IGAD ayaa isku dayaysay in ay soo afjarto dagaalka socday sagaalka bilood ee u dhaxeeyay ciidamada Sudan iyo kooxda ka soo horjeeda ee Rapid Support Forces (RSF).

Khamiistii dowladda Sudan ayaa ku dhaleeceysay Igad inay ku casuuntay madaxa RSF shir madaxeedkii lagu soo gebagebeeyey magaalada Kambala taasoo ah sababta soo dedejisay go’aankan.

Khartoum ayaa hadda sheegtay in bayaan ay soo saartay Igad uu ahaa mid weerar ku ah Suudaan, ayna taageerayaan koox falaago ah.

Urur-goboleedka IGAD waxa la asaasay sannadkii 1996-kii, waxana uu ka kooban yahay siddeed waddan oo kala ah Kenya, Uganda, Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Sudan iyo Somalia.

 

Related posts

Sii hayaha Raisul Wasaaraha Somalia oo kormeeray Xabsiga dhexe ee Xamar (Sawirro)

Caydiid Ali

Wiil 12 jir ah iyo dad kale oo aano qabiil loogu dilay degaan ka tirsan Galgaduud

Caydiid Ali

Toogasho dad lagu dilay oo ka dhacday Magaalada Copenhagen (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---