Allbanaadir.com
NEWS

RW Xamse oo ku baxay xalinta Khilaaf hareeyey Mid ka mid ah Wasaaradaha Dowlada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka, si uu ugu kuurgalo howlaha shaqo ee ay qaranka u xilsaaran tahay wasaaraddaasi, ka dib geeridii (AUN) Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay ay muhiim u tahay wasaradaha xukuumadda DanQaran, maaddaama ay wasaaraddu u xilsaaran  ka shaqaynta qaybaha ugu muhiimsan ee bulshadda oo ah haweenka Soomaaliyeed iyo xuquuqda aadanaha.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed bulshada ugu jiraan kaalin muhiim ah oo ay ugu horreyso barbaarinta ubadkeena.

Waxaa uu intaa ku daray in haweenku ay kaalin xoog leh ka soo qaateen halgannadii kala duwanaa ee dalka xiligii gumaystaha, burburkii ka dib iyo hadda oo aynu halgankii ugu adkaa kula jirno al shabaab iyo difaac dalka.

Warar hoose ayaa sheegaya in Kormeerka Xamse uu yimid khilaaf soo kala dhex galay Sii hayaha Wasiirka haweenka iyo agaasimaha Wasaaradaas kaasoo dacwadiisa ay gaartay xafiiskiisa

Sii hayaha Wasiirka haweenka ayaa la sheegay iney Xamse Barre ka dalbatay inuu xilka ka qaado agaasimaha Wasaaradaas Isaaq  Xaashi Jimcaale, iyadoo ku andooneysa ineysan wada shaqeyn karin, hase ahaatee RW Xamse ayaa arintaas diiday isagoo xusay in la baarayo waxaa sababay khilaafka, loona baahan yahay in jawi wada shaqeyn la abuuro.

Related posts

Cabsi Xoogan oo ka jirta Muqdisho kadib Warbixin Amaan oo lasoo saaray

Cabdi Cade

Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyey duqeyn ka dhacday duleedka Muqdisho (Akhriso)

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Shirkii ka dhacay magaalada Baydhabo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---