Allbanaadir.com
NEWS

Rag dil ku xukunaa oo ka baxsaday xabsi kuyaalla Dhuusomareeb iyo baadigoob socda

Waxaa xalay saldhigga ciidamada booliiska ee magaalada Dhuusomareeb caasimadda Galmudug ka fakaday rag maxaabiis ah oo la sheegay in qaarkood ahaayeen gacankudhiiglayaal oo horey dilal usoo goostay

Sida aan wararka ku helnay afar nin oo kamid ahaa maxaabiista ku xirnaa saldhigga booliiska magaalada Dhuusomareeb ayaa baxsaday, waxaana saddex kamid ah ragan ku xukunaayeen dil toogasho ah oo maxkamad ku riday.

Taliska booliiska saldhigga Dhuusomareeb ayaa xaqiijiyay jiritaanka maxaabiista xabsiga ka baxsatay, waxa ayna sheegeen in ay hadda socdaan howlgalo lagu raadinayo ragga baxsaday , sidoo kale la baarayo qaabka ay u baxsadeen.

Waxaa jira shaki laga qabo in maxaabiistan in xabsiga magaalada Dhuusmareeb ka baxsadaan loo fududeeyay, mana jiro faah faahino badan oo booliiska ka bixiyeen baxsashada ragga dilka ku xukunaa iyo qaabka ay u baxsadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun Dil ah oo saakay lagu fuliyay Wayrax Khaliif iyo Yuusuf Xuseen Cabdi (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Shiikh Kabo-kutukade oo eedeyn yaab leh u jeediyey Madaxweyne Xassan Shiikh

Caydiid Ali

Soomaali loo Magacaabay afhayeenka Guddoomiyaha Midowga Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---