Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarado sida Wafuud oo gaaray Garawe iyo Madaxweyne Xasan oo la shaaciyay in uu…

Magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland waxaa ku qul qulaya wafuud kala duwan oo ka qeyb galeysa caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo mar kale loo doortay madaxweynaha Puntland.

Garoonka diyaaradaha magaalada Garawe waxaa maanta ka degay labo diyaaradood oo wada wafuud kala duwan oo ka qeyb galeysa caleemo saarka madaxweyne Deni, wafuuda maanta gaartay Garawe waxaa ku jira madax hore oo dalka xilal kasoo qabtay.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo warbaahinta Garawe kula hadlay maanta ayaa shaaciyay in xaflada xaleemo saarka madaxweyne Deni ka qeyb galayaan madax kala duwan iyo siyaasiyiin lagu casuumay.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya oo lagu martiqaaday munaasabadda caleema-saarka uu aqbalay in uu yimaado, islamarkaana ay safarka ku wehelin doonaan mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Puntland ayaa siyaasada ku kala tagay, kaddib markii madaxwetne Xasan Sheekh markii doorashada ku guuleestay albaabada ka xirtay madaxweyne Deni oo ballamo badan horey uga dhaxeeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rag iyo Haween Soomaali ah oo looga shakiyay weerar argagaxiso oo lagu qabtay Nairobi

Cabdi Cade

Xildhibaano laga soo doortay Koonfur Galbeed oo Baaq u diray Jawaari 

Cabdi Cade

(Sawirro) Taliye Odowaa oo gaaray degaan muhiim ah oo laga saaray Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---