Allbanaadir.com
NEWS

Maraakiib dagaal oo Ingiriiska leeyahay oo iskula dhacay xeebaha dal Carbeed

Labo markab oo nuuca dagaalka ah lagana leeyahay boqortooyada Ingriiska ayaa iskula dhacay xeebaha dekad kutaalla dalka Baxreyn, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen taliska ciidamada badda Ingiriiska.

Warbaahinta qaar iyo baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaalka labada markab oo isku dhacaya, waxaana aad la iskula wadaagay markabka HMS Chiddingfold oo gadaal ugusoo baxaya markabka kale ee HMS Bangor .

Baaritaano lagu ogaanayo sababta keentay shilka labada markab ee nuuca dagaalka ah ayaa durba bilowday, waxaana la sheegay in aysan jirin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay shilkan ka dhacay xeebta dekad kutaalla dalka Baxreyn.

Labada markab ee isku dhacay ayaa ah nuuca miinada ka baara badaha, waxa ayna in muddo ah ka howlgalayeen dalalka Khaliijka, waxa ayna maraakiibtan miinooyin ka baraan marinada ay isticmaalaan maraakiibta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Macalimiin ka yimid Wadanka Sudan oo lagu soo dhoweeyey Jaamacadda Benaadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo diiday iney Itoobiya kala hadasho helitaanka dhul badeed

Caydiid Ali

Dalalka Afrika ee dhinaca Milatariga ugu awoodda badan oo la shaaciyay iyo Soomaaliya oo ka sara martay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---