Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo Imaamka Al-Azhar kala hadlay labo qodob oo xasaasi ah (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo booqday xarunta Al-Azhar Al Shariif ee Magaalada Qaahira ayaa la kulmay Sheekh Axmed Maxamed  El-Tayeb oo ah Imaamka Al-Azhar, iyagoo ka wada hadlay ahmiyadda dagaalka fikirka ee ka  dhan ah Alshabaab iyo xaaladda kumannaanka arday ee wax ka barata Jaamacadda iyo Xarumaha Al-azhar.

Madaxweynaha oo ayaa sheegay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la sii xoojiyo hirgelinta macaahid diini ah iyo xarummo lagu wajaho fikirka xagjirnimada ayaa ku marti-qaaday Sheekh Axmed Al Tayib in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya si uu u soo arko horumka iyo miro-dhalka dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada  ayaa aqbalay casuumadda.

Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb Waxa uu si adag u cambaareeyey Faragelinta ay dowladda Itoobiya ku sameysay Madax bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga difaaco cid kasta oo ku soo xadgudubta.

Related posts

Halkee ku danbeeyay Kulane Jiis, (Sarkaalka awooda badan ee ka tirsan NISA) ?

Caydiid Ali

Dhismaha Golaha Deegaanka Gaalkacyo oo gabo gabo maraya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Boqortooyada Sacuudiga oo taageero 400 oo milyan oo dollar u ballanqaaday Ukraine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---