Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo kasoo kordhay xaalada Cabdirashiid Janan oo Nolol iyo geeri lagu la’aa

Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa lagu la’aa nolol iyo gaari maalmihii lasoo dhaafay, waxaana Janan markii la weynayay uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Warar horey usoo baxay ayaa sheegayay in Cabdirashiid Janan lagu afduubtay magaalada Nairobi ayna ka dambeeyeen maamulka Jubbaland, waxaa sidoo kale soo baxayay warar sheegayay in siyaasigaasi la dilay.

Wasiirka Amniga Gudaha ee maamulka Jubbaland, Yuusuf Xuseen Dhuumaal, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Cabdirashiid Janan dib u helay xuriyadiisa lana sii daayay, waxa uuna xusay in uu hadda joogo gurigiisa.

Madaxweynaha Jubbaland oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa isna horey loo sheegay in dedaalo u galay baadigoobka iyo sii deynta Cabdirashiid Janan oo horey siyaasada ugu kala tageen, waxaana lagu tuhmayay Axmed Madoobe in xarigiisa wax ka ogaa.

Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo odayaal ku heyb ah Cabdirashiid Janan ayaa horey walaac xooggan uga muujiyay xaaladiisa, waxa ayna dowladda Federaalka ugu baaqeen in kiiska Janan soo faragaliso lana cadeeyo halka uu ku dambeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Doorashadii xildhibaanada gollaha shacabka oo Kismaayo lagu soo gabagabeeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo geeriyooday iyo DFS oo..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---