Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi caan ah oo loo magacaabay in uu dhax dhaxaadiyo Soomaaliya iyo Itoobiya

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa soo kala dhax galay khilaaf meel xun gaaray, waxa uuna khilaafkaasi ka dhashay heshiis Adis Ababa Ra’isul Wasaare Abiy Axmed kula gaaray madaxweynaha Somaliland.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC), ayaa wada dedaalo xooggan ay ku doonayaan in lagu xaliyo khilaafka soo kala dhax galay labada dal oo kawada tirsan ururka Midowga Afrika iyo IGAD.

Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa Midowga Afrika uu u magacaabay inuu madax ka noqdo wadahadallada laga dhax bilaabo dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya..

Si looga hortago sii hurinta xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa qaaday tallaabo waxayna ka codsadeen Obasanjo inuu hoggaamiyo wada xaajoodka isla markaana la qaboojiyo khilaafka sii kordhaya.

Itoobiya ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulantay heshiis beenaadka ay la gashay maamulka Somaliland, waxa ayna dowladda Soomaaliya dowlado waa weyn iyo ururo caalami ah ka heshay taageero iyo garab istaag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ayatollah Ali Khamenei oo ka duceystay kumanaan maxaabiis ah oo xirxiran

Caydiid Ali

Madaxweynaha Somaliland oo tagay xarunta Qaramada Midoobay ee New Yourk (Sawirro)

Cabdi Cade

Haweeney markii ugu horeesay Madax ka noqotay Maxkamada ugu sareysa Itoobiya

Cabdi Cade