Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo weerar culus oo dhaliyay khasaaro badan ka fulisay Muqdisho

Koox hubeysan oo katirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar culus oo gaadmo ah ku qaaday saldhig ciidanka booliisa milataari ku leeyihiin xaafad katirsan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir .

Weerarkan ayaa la sheegay in uu dhacay xilli ay inta badan ciidanka halkaasi ku sugnaa ay hurdeen, kooxda weerarka geesatay ayaana wararku sheegayaan in ay u suurto gashay in ay gudaha u galaan saldhigga.

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa soo kala gaaray kooxda weerarka qaaday ee Al Shabaab katirsan iyo ciidanka xasilinta ee la weeraray, waxaana adag in si rasmi ah loo ogaado khasaaraha labada dhinac kala gaaray.

Dad goobta weerarka ka dhacay ka agdhaw ayaa sheegay in ay arkeen meydadka dhowr askari oo katirsan ciidanka booliisa milataare oo la dilay, waxaana dadka la dilay ku jira sargaalkii ciidanka heestay sida wararku sheegayaan.

Ciidamada ammaanka ayaana saakay wada howlgalo lagu baadigoobayo kooxdii weerarka fulisay, waxaana saakay xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa aaga saldhigii ciidanka xasilinta lagu weeraray.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee muddooyinkan Al Shabaab ka fuliyaan gudaha Muqdisho, degmada Kaxda ayaana horey waxaa uga dhacay weeraro nuucaan ah oo Al Shabaab ka fuliyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dadkii fududeeyay Weerarkii Xabsiga Dhaxe oo la ciqaabayo

Cabdi Cade

(Video) Warar cusub oo ku saabsan dibed baxyadii looga horjeeday Farmaajo & Warbixino kale oo xiiso badan

admin

Mareykanka & Israel oo arrin halis ah kala hadlay Somaliland & Sudan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---