Wararka ka imaanaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in nin madaxa ka xanuunsan uu shalay oo Jimco aheyd dad ku laayay deegaan lagu magacaabo Af-Madoobe oo katirsan gobolka Togdheer .
Sida aan wararka ku helnay ninkan hubeysan ayaa tagay deegaanka uu dilka ka geestay gaar ahaan goobta Alla bariga ka socotay, waxa uuna ninkan rasaas aan loo meel dayin ku furay dadkii ku sugnaa kulankaasi.
Inta la xaqiijiyay toogashada uu geestay ninkan xanuunsanaa waxaa ku dhintay saddex qof oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa kulanka Alla bariga ahaa, waxaa sidoo kale dhaawac culus soo gaaray qof kale.
Isbitaalka magaalada Burco ayaa la geeyay dadka dhintay iyo qofka dhaawacmay oo xaaladiisa hadda lala tacaalayo, waxa uuna falkan araggax badan ku abuuray dadka deegaanka Af-madoobe uu falkan ka dhacay.
Masuul katirsan maamulka gobolka Togdheer ayaa sheegay in ay aad uga naxeen falkan uu ku kacay ninka madaxa ka xanuunsanaa, waxa uuna sheegay in hadda socdaan baaritaano ku aadan falkan aadka looga naxay.
Ninka toogashada geestay oo la sheegay in madaxa looga jiray ayaa isaga oo qoray wata tagay goobta uu dadku ku laayay, waxaana goobtaasi ka dhacay argagax badan oo dadkii goobta ku sugnaa filanwaa ku noqday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com