Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal sare oo katirsan golaha dagaalka ee Israa’iil oo kahor yimid Qorshaha Netanyahu

Ra’isul Wasaaraha maamulka Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wajahaya cadaadis kaga imaanaya saraakiil iyo masuuliyiin katirsan maamulkiisa, waxa uuna wali guul ka gaarin dagaalka ay kula jiraan kooxda Xamaas.

Benjamin Netanyahu ayaa ku adkeysanaya in ciidamada Israa’iil ee gudaha u galay dhulka Falastiin, gaar ahaan magaalada Gaza ay howlgalka sii wadi doonaan ilaa laga gaaro guul dhameystiran sida uu tilmaamay.

Sargaal sare oo katirsan golaha dagaalka Israa’iil oo lagu magacaabi Gadi Eisenkot ,ayaa ku eedeeyay Ra’isul Wasaare Benjamin Netanyahu inuusan ka run sheegin hadafyada militari iyo dagaalka ka socda magaalada Gaza.

Ninkan oo wiil uu dhalay lagu dilay dagaalka ka socda magaalada Gaza ayaa caddeeyay in masuuliyiinta iyo dadka kale ee u ololeynaya ka adkaansho dhab ah oo Xamaas laga adkaado aysan ka hadleynin runta iyo xaqiiqada jirta.

Sargaalkan ayaa sidoo kale sheegay in Netanyahu uu wax ku leeyahay mas’uuliyadda ku guul-darreysashada in dalka laga difaaco weerarkii 7 Oktoobar, waxa uuna xusay in hadda is aaminaad aysan ka dhax jirin hoggaanka sare ee Israa’iil.

Dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaana daba dheeraaday, waxa ayna Israa’iil wali guulo muuqda ka keeni la’dahay howlgalka ay ka wado dhulka Falastiin, waxaana hawlgalkaasi maalin kasta kasoo gaara Israa’iil khasaarooyin kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Nairobi kula kulmay Shariif Xasan & Waare halka Axmed Madoobe uu…

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo soo arkay Masuuliyiin ku dhaawacmay weerarkii SYL (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe: “Intan ka badan kama aamusnaan karno waxa ka socda gobolka Gedo”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---