Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka NISA iyo kuwa Mareykanka oo dilay Saraakiil iyo xubno kale oo katirsan Al Shabaab

Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay in howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Dhaxe ku dileen saraakiil iyo xubno kale oo katirsan Al Shabaab.

Howlgalkan lagu dilay xubnahan katirsan kooxda Al Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Fiidow oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay todobo xubnood oo isugu jiray saraakiil iyo dagaallamayaal.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu qaarijiyay saraakiil katirsan Al Shabaab , gaar ahaan kuwa kooxdaasi u qaabilsnaa fulinta weerarada gaadmada ah ee ka dhaca Shabeelaha Dhaxe.

Xubnaha dowladda sheegtay in howlgalka lagu dilay waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Dheere iyo Mucaad oo Al Shabaab u qaabilsanaa weerarada gaamada ah ee ka dhaca Sh.Dhaxe iyo Cabdirisaaq Muuse oo isna qaabilsanaa aruurinta xoolaha Sakawaadka Shabaab qaataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Digniino laga bixiyey roobab dabeylo wata oo ka bilowday xeebaha Bariga Afrika

Caydiid Ali

Labada aqal ee Baarlamanka BFS oo ka doodaya ajende uu khilaaf ka taagan yahay

Caydiid Ali

Injineero Turki ah oo Qarax lagula beegsaday Duleedka magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---