Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo gaaray Qaahira iyo xogta waxa uu kala hadli doono Al Siisi

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowladda Masar.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaana ajiibay martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, waxa ayna labada masuul yeelan doonaan kulamo arrimo xasaasi ah uga wada hadli doonaan.

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee  Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab.

Casuumadda uu madaxweynaha Masar u fidiyay madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya , kaddib khilaaf xooggan oo soo kala dhax galay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaa oo ka dhashay heshiiskii Adis Ababa ka dhacay.

Masar ayaana kamid aheyd dowladaha Soomaaliya sida weyn taageerada ugu muujiyay kana hor-yimid heshiiskii ka dhacay magaalada Adis Ababa , kaa oo madaxweynaha Somaliland Itoobiya ku siiyay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dalalkii ugu horeeyey oo u dabaaldegay bilowga Sanadka cusub ee 2020 (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Biixi oo ka qeyb galay Shirka Iskaashiga Wasiirrada Maaliyadda ee Geeska Afrika

Cabdi Cade

Markab ku degay Xeebaha Jabuuti ka dib Gantaal ay la heleen Xuutiyiinta (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---