Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo shaaciyay Cawaaqib xumada ka dhalan karta xadgudubka Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad xasaasi ah u jeediyey hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex dhexaad ka ah (NAM) ayaa weeraray siyaasada qar iska tuurka ee dowladda Itoobiya.

Xasan Sheekh ayaa si adag u soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xadgudubka dowladda Itoobiya iyo cawaaqib xumada uu keeni karo haddii aanan si wadajir ah looga falcelin xadgudubkaasi.

“ Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, sidoo kale , waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in xadgudubka Itoobiya iyo faragelinta ay ku heyso arrimaha Soomaaliya ay fursad cusub siinayso argagixisada ka jirta gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha Xoogga dalka oo hal arrin uga digay ciidanka ku jira xeryaha (Sawirro)

Caydiid Ali

Muxuu Qoorqoor kala hadlay culimada Soomaaliyed ee uu la kulmay? (Sawirro)

Caydiid Ali

Midowga Afrika oo Go’aan ka dhan ah Milatariga maamula dalka Mali soo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---