Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo ka digay fulinta is afgaradkii dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland

Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer oo ka hadlay Shirkii madaxda IGAD ayaa Itoobiya uga digay ficilo xadgudub inay gobolka ka samayso

Waxaa uu sheegay in hab diblomaasiyadeed oo keliya lagu xallin karo khilaafka ka dhex taagan Soomaaliya iyo Ethiopia.

Mike Hammer ayaa soo dhoweeyay shirka aan caadiga ahayn ee IGAD ay ku qabatay dalka Uganda, kaasoo looga hadlayay sidii xal looga gaari lahaa xiisadda sii kordhaysa ee ka dhex taagan Soomaaliya iyo Ethiopia.

“Mareykanka waxaa ka go’an iskaashi iyo inuu taageero dadaallada lagu hormarinayo nabadda iyo xasilloonida dadka Geeska Afrika” ayaa lagu yiri qoraal kasoo xafiiska arrimaha dibbada Maraykanka ee Afrika.

Waxaa uu sheegay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland uu khatar ku yahay xasiloonida gobolka, isagoo dowladda Addis ababa ugu baaqay inay ilaaliso madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

“Heshiiska waxaa uu horseedi karaa hadii aan laga laaban xasillooni darro iyo inuu carqaladeeyo dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo argagixisada, wuxuuna noqonayaa fursad ay dagaalyahano cusub ku qorato Al Shabaab” ayuu yiri

HOOS KA DAAWO HADALKA AFHAYEENKA

Related posts

Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Somaliland oo soo bandhigtay Magacyada Lix Hay’adood oo shaqo joojin ay ku sameysay

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray dhismaha Mashaariic cusub (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---