Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia oo shuruud ku xirtay dhexdhexaadin iyo wadahadal ay la gasho Itoobiya

Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan jirin wax dhexdhexaadin ah oo ay ka galayso khilaafka kala dhaxeeya Itoobiya, haddii aysan Addis Ababa baabi’in heshiiska muranka badan dhaliyay oo ay la gashay Maamulka Somaliland.

Warkan ayaa yimid ka dib markii guddiga xallinta khilaafaadka ee Midowga Afrika ay ugu baaqeen labada waddan inay is xakameeyaan oo ay sare u qaadaan wadahadal macno leh oo lagu helayo xal nabadeed .

Urur goboleedka IGAD ayaa sidoo kale shalay oo Khamiis ahayd shir aan caadi ahayn ku yeeshay dalka Uganda, kaasoo looga hadlayay khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana lagu cambaareeyay xadgudubka Ethiopia ay ku hayso dhulka Soomaaliya.

“Ma jirto wax dhex dhexaadin ah ilaa Itoobiya ay ka noqoto is-afgaradkii sharci darrada ah oo ay dib u xaqiijiso madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya,

Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa mar kale Khamiistii shalay ku celiyay in ay si buuxda u aqoonsan yihiin madax-bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warkaasi waxa ku dhawaaqay Wakiilo ka socday Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Quwadda Maraykanka oo shalay ka qayb-galayay Shirkii Madaxda Urur Goboleedka IGAD ee ka qabsoomay magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda.

Waxay sidoo kale sheegeen in Heshiiskii Somaliland Badda ugu saxiixday Itoobiya uu halis weyn ku yahay Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika islamarkaana wiiqayo dagaalka Caalamiga ah ee ka dhanka ah Argagixisada.

Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa sidoo kale Somaliland ku tilmaamay Gobol ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana ay adkeeyeen in la ilaaliyo Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya.

 

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii caawa ka dhacay Muqdisho iyo dadka ku dhintay

Cabdi Cade

Maxkamada Ciidamada oo xukun adag ku riday labo Eedeysane (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xulufada Sacuudiga oo ugu dambeyn qirtay iney caruur badan ku xasuuqeen dalka Yemen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---