Allbanaadir.com
NEWS

Dayuurado duqeeyey dagaalyahano iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Degaano ku yaalla xadka  gobolada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan ayaa la soo sheegaya in duqaymo culus ay ka dhaceen.

Dayuurado aan duuliye laheyn ayaa duqaymo culus ka geystay degaanka Fiidow oo ku yaalla xadka labada gobol halkaasoo ay gacabta ku hayaan kooxda Al Shabaab khasaare ayaa la soo sheegayaa inuu halkaas ka dhacay

Ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in duqeynta ay ku geeriyoodeen sida laga soo xigtay  Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan gobolka shabeelada Dhexe halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Duqeynta ayaa la sheegay in lala beegsaday goob ay isku sugnaayeen dagaalyahano iyo Saraakiil ka tirsan Al shabaab.

Dhinaca kale, degaanka Diinlaawe oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Mahdaay ee gobolka shabeelada  Dhexe ayaa sheegaya  uu ka dhacay  weerar sababay khasaare dhimsho iyo dhaawacba leh.

Xubno ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay in ay weerareen Degaanka Diinlaawe balse Ciidamada degaanka ay iska difaaceen weerarkaas  waxaana ka dhashay Dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Related posts

(Daawo Sawirro) Axmed Madoobe oo booqday xarunta cusub ee ciidanka Nabad Sugida Jubbaland

Caydiid Ali

Xiliga la magacaabayo RW cusub ee Itoobiya oo la shaaciyey & Rex Tillerson oo gaaray Addis ababa

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo ka farxiyay qoysas ajaaniib ah iyo dad kale oo danyar ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---