Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Daawo Sawirada: Booqashadii Madaxweyne Farmaajo ku tagay magaalada Marka

Madaxweyaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shableeha Hoose.

Farmaajo iyo xubnaha la socday ayaa waxaa magaalada Marka kusoo dhaweeyay saraakiil katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Marka.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ku tagay magaalada Marka ayaa lagu sheegay in uu ku dhiiro galinayay ciidamada Milatariga gaar ahaan guutada 14-October oo dhawaan Al Shababa kala wareegay magaalada Marka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marka kulamo la tashi ah waxa uu la qaatay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka, isagoona kala hadlay in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada deegaanka.

Magaalada Marka iyo deegaano ku dhaw dhaw waxaa dhawaan Al Shabaab kala wareegay ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya, waxaana saraakiisha ciidanka sheegeen in howlgalka ay wadaan sii socon doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Turkiga oo baaq la xariira Iran u dirtay maamulka cusub ee Mareykanka

Cabdi Cade

Ciidanka NISA oo qabtay Shabakad la sheegay in Al Shabaab katirsan yihiin (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda oo hab cusub kula wareegeysa Masuuliydda soo saarista Sugnaanta Cuntada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---