Allbanaadir.com
NEWS

Nin aflagaadeeyay Boqor Maha Vajiralongkorn oo xabsi 50 sano ah lagu xukumay

Nin u dhashay dalka Thailand ayaa lagu xukumay konton sano oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay boqortooyada.

Waxaa loo malaynayaa inuu yahay xukunkii ugu dheeraa ee abid lagu xukumo qofka sidan oo kale sameeyay. Mongkol Thirakot, oo u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda, ayaa la xukumay ka dib markii uu faallooyin soo dhigay Facebook.

Markii hore waxaa lagu xukumay siddeed iyo labaatan sano, laakiin maxkamadda sare ayaa kordhisay muddada xabsiga ka dib markii lagu daray eedeymo kale oo loo haysaty.

Boqolaal qof ayaa lagu dacweeyay gudaha Thailand dhowrkii sano ee ugu dambeeyay iyadoo la raacayo sharciyo adag oo ka hortagaya dhaleeceynta Boqor Maha Vajiralongkorn oo xukunkiisa lagu sheegay mid adag.

Related posts

Jubbaland oo Eedeyn culus u jeedisay Dowlada Federaalka xili Farmaajo iyo Axmed Madoobe ay..

Cabdi Cade

Xukun dil ah oo mar kale lagu riday labo nin oo Dilay Odayaal Masaajid kasoo baxay

Cabdi Cade

Xog ku aadan Guddoomiyaha Cusub ee loo soo magacaabayo Gobolka Banaadir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---