Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaale oo sheegay iney sanadkan soo afjarayaan arrin dhibaato ku heysa Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha Hirgelinta Biya-Mareenka iyo Nadiifinta Biyaha Qashinka ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade,

Mashruucan ayaa qeyb ka ah Qorshaha wax ka qabashada bulaacadaha Magaalada Muqdisho.

Munaasabada dhagax dhiga waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcale, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, Maareeye Kuxigeenka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Guddoomiyaha Degmada Waabari Mudane Maxamed Sheikh Sayid iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha  Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in Dowaladda Hoose ee Xamar ay ka go’an tahay sidii sanadkan 2024 xal waara loogu heli lahaa Bulaacadaha iyo Biya qabadyada Magaalada Muqdisho.

Related posts

Diyaarinta Mooshin ka dhan ah Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo socota

Cabdi Cade

Waa kuma Cabdiweli Max’ed Yuusuf oo Mareykanku xanibaad ku soo rogay?

Caydiid Ali

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---