Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shir aan caadi aheyn oo Madaxda dalalka urur goboledka IGAD uga furmay Kampala

Magaalada Kambaala waxaa ka furmay Shirka Urur-goboleedka IGAD oo loooga hadlayo Ajendeyaal ay ugu muhiim santahay Xadgudubka Ethiopia ee ka dhanka ah Soomaaliya.

Shirkaan oo ay codsatay Dawladda Soomaaliya waxaa ka qaybgalaya Madaxwaynayaasha Soomaaliya, Yugaandha, Kenya, Jabuuti iyo koofurta Suudaan.

Shirka waxaa kale oo goob joog ka ah wakiilo heerkooodu sareeyo kuwaas oo ka kala socda ururada iyo Dawladaha daneeya arrimaha Gobalka Geeska Afrika.

Ururada jooga waxaa ka mid ah Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Midawga Yurub iyo Jaamacadda Carabta,

Waxaa kale oo shirka jooga Wufuud sare oo ka kala socda Dalal ay kala ah Maraykanka,Turkiga, Sucuudiga, Qatar iyo Imaaraadka.

Shirka waxaa awoodiwaysay inay kasoo qaybgasho Ethiopia oo dareemaysa waji gabax ka dib markii Adduunku si isku Mid ah uga horyimid damacooda foosha xun.

Gabagabada Shirka ayaa la rajaynayaa in laga soo saaro warmurtiyeed.

Related posts

Xildhibaan Soomaaliyeed oo ka shifay in Imaaraatka Lacag ku bixinayso Bur burka Somalia

Cabdi Cade

Farmaajo ma leeyahay xiligan qorshe aan muddo kororsi labo sano ahayn?

Cabdi Cade

Maxay ka dhigan tahay in guud ahaan Xildhibaanada golaha shacabka Codka Kalsoonida siiyaan Ra’isul Wasaare Xamse ?

admin
Taboola Ads ---