Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo hawada ka celisay Diyaarad kasoo duushay Imaaraadka oo Hargeysa kusii jeeday

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa maanta oo Khamiis ah dib uga celisay hawada Soomaaliya diyaarad nooca xamuulka qaada (cargo), oo ka diiwaangashan waddanka Thailand.

Diyaaradan oo kasoo duushay magaalada Sharjah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in ay kusii jeeday magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka.

”Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo maanta oo Khamiis ah 18/01/2024 waxay dib uga celisay hawada Soomaaliya diyaarad nooca xamuulka qaada (cargo) oo ka diiwaangashan waddanka Thailand (registration P4-JAG), taasoo isku dayeysay inay u kala duusho Sharjah iyo Hargaysa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay hay’adda Duulista Rayidka.

Warka kasoo baxay hay’adda Duulista ayaa lagu sheegay in diyaarada ku guul dareesatay in ay bixiso imacluumaadka xamuulka ay waddo , waxa ayna hay’adda go’aansatay in diyaaradan ay hawada dalkeenna ka celiso.

”Diyaaradda ayaa ku guul-darraysatay inay bixiso macluumaadka xamuulka ay waddo (cargo), waxayna qaadatay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed go’aanka sharciga ah oo dhigaya inaysan hawada Soomaaliya soo geli karin diyaaraad aan la hayn maclumaadka ujeedka safarka iyo waxa ay sido , waxaana dib looga celiyay diyaaradaa inay soo gasho hawada Soomaaliya” aya alagu yiri qoraalka Hay’adad Duulista kasoo baxay.

Tallaabadan hawada Soomaaliya looga celiyay diyaaradan kasoo duushay Imaaraadka kuna sii jeeday Hargeysa ayaa kusoo aadeysa , xilli shalay sidaan oo kale hawada looga celiyay diyaarad kasoo duushay Itoobiya oo iyana kusii jeeday magaalada Hargeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Guri gubtay oo lagu iibinayo lacag gaareysa 3-Milyan oo Dollar !!

Cabdi Cade

Niger: Ciidamada Ruushka oo galay saldhig ay degan yihiin Milateriga Mareykanka

Caydiid Ali

Dowlad Carbeed oo ku gacan seyrtay iney xiriir la sameysato Yuhuuda

Caydiid Ali