Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumadda oo meel marisay heshiis Is-afgarad oo dhaxmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Cuman

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah, ayaa soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay shirkii aan caadiga ahayn ee Ururka Jaamacadda Carabta, kaasi oo ku saabsanaa taageerada madaxbannaanida, gobonimada iyo midnimada Soomaaliya.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu meel-mariyey Siyaasadda Qaran ee Bad-qabka iyo Caafimaadka Goobaha shaqada iyo heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Cumaan.

Golaha ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca guud ee dalka, waxa uu ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, iyaga oo golaha faah-faahin ka siiyey howlgallada socda ee difaaca dalka, sugidda amniga, xasillinta iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee magacaabista marwo Fatxiya Maxamed Yuusuf oo ka mid noqonaysa xubnaha maamulka Guddiga Sare ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii ka dhacay degmada Kaaraan iyo Cumar Filish oo..

Caydiid Ali

Mashruuca dhismaha Dekadda Hobyo oo Muqdisho lagu saxiixay

Cabdi Cade

Golaha Wasiiradda Puntland oo ansixiyay miisaaniyadda maamulka ee lixda bilood ee soo socota (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---