Allbanaadir.com
NEWS

Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Ceelbarde iyo Khasaaro dhimasho oo ka dhashay

Wararka ka imaanaya degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaasi shil ku gashay diyaarad nuuca xamuulka qaada ah oo la sheegay in ay u rarnyed hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada adduunka ee WFP.

Diyaaraa oo la sheegay in ay waday gar gaar bini’aadannimo oo loo waday gobolka Bakool ayaa dhacday, kaddib markii la sheegay in ay ku timid cillad ayna u bixi weysay lugaha xilligii ay dageysa.

Maareeyaha garoonka Ceelbarde Cabdifitaax Keydsane ayaa warbaahinta u sheegay in diyaarada ku dhacday meel ka baxsan garoonka , waxa uuna xusay in uu ku dhintay shilkaasi hal qof oo kamid ahaa dadkii diyaarada la socday.

Qofka dhintay ee diyaarada la socday ayaa wararka qaar sheegayaan in uu ahaa duuliyihii diyaarada, waxaana diyaarada shilka gashay la socday afar qof oo katirsanaa shaqaalaha hay’adda WPF kuwaa oo shilka ka bad baaday .

Waxii kusoo kordha warkan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Baasaboorka Soomaaliga oo galay kaalin aan laga filayn & dalalka lagu tagi karo

Cabdi Cade

Rugaha Ganacsi ee saddex dowlad Goboleed oo beeniyay Warqad warbaahinta lagu baahiyay

Cabdi Cade

Koronto xumo lasoo daristay mid kamid ah Wadamada ugu hodansan Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---