Allbanaadir.com
NEWS

Imaaraadka Carabta oo taageero iyo garab istaag u muujisay dowladda Soomaaliya

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Imaaraadka ayaa lagu sheegay in Imaaraadka carabta uu si buuxda u garab taagan yahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed isla markaana uusan marnaba raali ka ahayn in lagu xad gudbo madaxbanaanideeda sida uu ku dhawaaqay Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda dalkaas Khalifa Shaheen Almarar ayaa ka qeyb galay kulan aan caadi ahayn oo maalinimadii shalay u qabsoomay Wasiirada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta .

Kulankaan oo ahaa mid muuqaal ah ayaa daba socda codsi ka yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxaana lagu falanqeynayay waxyaabihii u dambeeyay ee ku soo kordhay xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo saamayntii ka dhalatay heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.

Intii uu socday kulanka, wasiiru dowlaha ayaa caddeeyey in ay taageersan yihiin madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ku celceliyey in ay garabtaagan yihiin dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mr Khalifa Shaheen Almarar oo sii wata hadaladiisa ayaa tilmaamay in dalalka Carabtu ay isku raacsan yihiin gacansiinta dowladda Soomaaliya iyo wax kasta oo ay u arkaan in ay lagama maarmaan u yihiin arrimaha Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo u hanjabtay siyaasiyiin dalal shisheeye lacago ka qaata

Cabdi Cade

Qarax lagu bur buriyay goob ganacsi oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Heyadda Socdaalka oo Yurub ka furtay Xarun cusub oo laga bixinayo Baasaboorka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---