Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay nin ajnabi ah oo ku eedeysan in dil aad looga naxay magaalada Nairobi ugu geestay gabar ardayad ah oo la sheegay in ay saaxiibo ahaayeen.
Ninkan ajnabiga ah ayaa booliiska qabteen Talaadadii xilli uu doonayay in baasaboorka dalka Muzambique uga baxo dalka Kenya, waxaana ninkan durba kiiskiisa baaritaanno ku bilaabay hay’adaha dambi baarista Kenya.
Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in ninkan uu dilay kaddibna jar jaray meydkeeda Rita Waeni oo aheyd ardayad 20-sanno jir aheyd, waxa uuna falkan ka dhacay guri si KMG ah loo mireesto oo kuyaalla magaalada Nairobi.
Ninka dilka u geestay gabarta ardayada ah ayaa sidoo kale la sheegay in uu la xiriiray qoyskeeda uuna ka dalbaday lacag madax-furasho ah oo gaareysa  500,000 oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta ($3,100).
Dilka ninkan ajnabiga ah u geestay ardayada Kenya u dhalatay ayaa abuuray carro aad u xooggan, waxaana baraha bulshada qaar lagu baahiyay muuqaalka gabadhan oo la jar jaray hilbaheeda, taa oo muujineysay araxan-darada ninka ay saaxiibka ka dhigatay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com