Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay shirka aan Caadiga aheyn ee madaxda IGAD u furmaya

Waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ka furmo shir aan caadi aheyn oo ay isugu imaanayaan madaxda ku mideysan urur goboleedka IGAD.

Shirkan ayaana diirada lagu saari doonaa xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyo sidoo kale colaada dhiiga badan ku daatay ee ka aloosan qeybo kamid ah dalka Sudan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galaya shirka Kampala ka furmaya, waxaana la filayaa madaxweynaha halkaasi ka jeediyo khudbad uu uga soo horjeedo damaca Itoobiya ee ku dooneyso dhul Soomaaliyeed.

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda aan ka qeyb galeyn shirkan deg dega ah ay isugu imaanayaan madaxda IGAD, waxa ayna Itoobiya qoraal ay soo saartay uga cudur daaratay in ay shirkaasi ka qeyb gasho.

Shirka ayaana la filayaa in laga soo saaro go’aanno lagu taageerayo madax-bannaanimada Soomaaliya , sidoo kale looga soo horjeedo heshiis beenaadkii ay wada galeen dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Aqalka Sare oo meel mariyey sharci muddo dheer la sugayey (Sawirro)

Caydiid Ali

Dugsiga Amiin Quran Online oo ah dugsi qurbajoogtu aad uga faa’idayseen oo qaadanaya arday cusub bishan!

Cabdi Cade

Jawaari oo Guddoomiyey Shirkii guddiga joogtada ee Golaha shacabka & go’aano ka soo baxay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---