Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Agaasimaha Sirdoonka Mareykanka CIA oo Muqdisho soo gaaray, lana kulmay..

Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA William Joseph Burns ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho caasimada Somalia

William Joseph Burns ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh iyo Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Salad Maxamed

Kulanka oo ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay arrimaha iskaashiga Amniga labada dal iyo la dagaalanka Argagixisada.

Agaasimaha CIA ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay safaro ku marayay Gobolka Geeska Afrika, iyadoo maalin ka hor uu Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Agaasimihiisa Sirdoonka.

Mareykanka ayaa waxaa Somalia ka jooga boqolaal askari oo ciidanka xoogga dalka ka caawiya dhinacyada tababarada, qalabka, saadka iyo howlgalada ka dhanka ah kooxaha Al shabaab iyo Daacish oo Mareykanku ku daray liiska argagaxisada caalamiga ah.

Related posts

(Akhriso) Qaladaad u baahan in laga saxo Siyaasadda Federaalka Soomaaliya

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo waaberigii saaka weeraray degmada Balcad

Caydiid Ali

Madaxweyne William Ruto oo xaaladu ku xun tahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---