Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo War kasoo saartay Diyaaradii Ethiopian Airline ee saakay hawada laga celiyay

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa maanta Hawada Jamhuuriyadda Soomaaliya ka celisay diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airline oo ku socotay Magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland.

Qoraal kasoo baxay hay’adda Duulista Rayidka  ayaa lagu sheegay in maanta hawada dalkeena ka celiyeen diyaarad nuuceedu yahay Dash 8-Q400 oo ay leedahay shirkada Itoobiya Airline , taa oo la sheegay in aysan heysan fasax ay ku isticmaasho hawadeena.

Hay’adda Duuliista ayaa caddeysay in aysan marnaba aqbali doonin in diyaarad aan ruqsad heysan soo gasho hawada Soomaaliya, waxa ayna hay’adda sheegtay in duulimaadyada kale ee sidoodii caadiga ahaa ku socdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bilyaneer Carbeed oo iibsaday koox ka ciyaarta Horyaalka Ingiriiska

Cabdi Cade

Xildhibaano laga mamnuucay in ay ka baxaan Kismaayo iyo Sababta ka dambeysa

admin

Itoobiya oo si rasmi ah ula wareegtay Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD

Caydiid Ali
Taboola Ads ---