Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray Hargeysa iyo Ujeedka ay u tageen oo la ogaaday

Ciidamo si gaar ah u tababaran oo katirsan milatariga Itoobiya ayaa xalay gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland, ciidamadan ayaana la sheegay in halkaasi geysay diyaarad gaar ah.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamadan ayaa loogu tala galay in ay sugaan ammaanka wafdi heer sare ah oo dowladda Itoobiya qorsheeeyso in ay u dirto magaalada Hargeysa, si ay u dhaqan-geliyaan heshiiskii dhawwaan lagu gaaray Adis Ababa.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee gaaray magaalada Hargeysa ayaa la dejiyay goob gaar ah oo loo qorsheeyay, waxaana ciidamada qaar la geeyay goobo loo qorsheeyay in ay degaan wafdiga ka socda dowladda Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya oo si dhaw ula socota wafdiga Itoobiyaanka ah ee ku wajahan magaalada Hargeysa ayaa maanta hawada ka celisay diyaarad la sheegay in ay la socdeen wafdi ka socda Itoobiya oo kusii jeeday magaalada Hargeysa.

Dowladda Itoobiya ayaan la ogeyn tallaabada kale ay qaadi doonto maadaama maanta hawada laga celiyay diyaarad wafdi u siday Hargeysa, lamana oga in wafdigan mar kale qorsheen doonaan tagistooda Hargeysa.

Xukuumadda Abiy ayaana dooneysa hirgelinta heshiiskii sharci darada ahaa ee magaalada Adis Ababa kula galeen madaxweynaha Somaliland , oo Itoobiya u saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Eritrea oo bilowday qabqabshada dhalinyarada sida qasabka ah loo askareynayo

Caydiid Ali

Natiijada Hordhaca Doorashadii ka dhacday degmada Ufeyn oo la shaaciyay (Akhriso)

Cabdi Cade

Dhaqaatiir iyo gurmad loo diray farumaha hore ee dagaalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---