Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad hakisay wada shaqeyntii ay la laheyd IGAD iyo hal arrin oo sabab u noqday

Dowladda Sudan ayaa shaacisay in ay hakisay wada shaqeyntii ay la laheyd urur goboleedka IGAD, kaddib markii shir aan caadi aheyn oo ka dhacaya magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda lagu casuumay hoggaamiyaha ciidamada RSF .

Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Sudan oo daacad u ah hoggaamiyaha ciidanka milatariga ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay in ay hakiyeen wada shaqeyntii ay la lahaayeen urur goboleedka IGAD.

Hogaamiyaha ciidamada RSF Maxamed Xamdaan Daglo oo sii kordheyso maqaamkiisa diblumaasiyadeed ayaa lagu casuumay shir madaxdeeda IGAD ee lagu wado in beri ka furmo magaalada Kampala, kaa oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Maxamed Daglo ayaa dhawwaan safaro ku tagay qaar kamid ah caasimadaha waddamo kuyaalla qaarada Afrika, waxa uuna kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah madaxda dalalkaasi uu kala hadlay xaalada dalka Sudan .

Hoggaamiyaha milatariga Sudan Cabdiftiaah Al Burhan ayaana aad uga carrooday in maqaamka Daglo kor loo qaado, waxa uuna eedeyn u jeediyay IGAD iyo madaxda uu la kulmay taliyaha RSF in ay sii hurinayana coilaada Sudan ayna qeyb ka yihiin dagaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo la sheegay in marar badan difaacay Francisco Madeira xilli la bedeli rabay

Cabdi Cade

James Swan oo shaaciyey qorshe cusub iyo Xaalada gobolka Gedo oo kacsan

Caydiid Ali

Sheekh Muqtaar Roobow oo sanado badan kadib dalka dibadiisa u dhoofay 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---