Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanad dhowr mar alaab ka xaday Dukaan oo is casishay raali-gelina bixisay

Warbaahinta caalamka kuwooda ugu afka dheer,ayaa si weyn u hadal heysa fadeexada ka dhalatay falal xatooyo ah oo ay ku kacday xildhibaanad caan ah oo katirsaneyd baarlamaanka dalka New Zealand.

Xildhibaanad Golriz Ghahraman, oo ka tirsan Xisbiga Green ayaa lagu eedeeyay in saddex mar alaabo ka xaday dukaaman dharka iyo alaabaha dumarka lagu iibiyo oo ku kala yaalla magaalooyinka Auckland iyo Wellington.

Kaamirada CCTV ayaa duubtay xildhibaannada oo boorso qaali ah ka qaadaneysa dukaan ku yaalla Auckland, waxa uuna muuqaalkan noqday mid si weyn fadeexad ugu noqday xildhibaannada bulshadana iskula wadaageen.

Xildhibaanad Golriz Ghahraman ayaana markii uu baahay muuqaalkan fadeexada ku noqday shaacisay in ay iscasishay, waxa ayna raali-gelin ka bixisay falkan xatooyada ah ay ku kacday magaceedana dilay.

Waxa ay sheegtay in ay aad uga xun tahay falkan xatooyada ah ay ku kacday, waxa ayna xustay  in cadaadis xooggan oo ka heystay dhanka shaqada uu sabab u yahay inay sidan foosha xun u dhaqanto .

Golriz Ghahraman oo horey qareen xuquuqda aadanaha u doodda  uga ahayd QM ayaa taariikh dhigtay sanadkii 2017, kaddib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay ee qaxooti ah oo ka mid noqotay Baarlamanaka New Zealand, waxa ayna gabadhan kasoo jeedaa dalka Iran .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaarad Cusub oo lagu soo daray Wasiiradda Hrshabelle ee ka badnaa 80-ka xubnood

Cabdi Cade

Kala Shaki Soo kala Dhexgalay Dowladaha Soomaaliya, Mareykanka Iyo Imaaradka

Cabdi Cade

Xukun adag oo lagu riday nin Al-Shabaab u qaabilsana kala gudbinta hubka iyo qaraxyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---