Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xuutiyiinta Yemen oo gantaalo ku weeraray Markab ku sii jeeday dekedaha Israel

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday markab laga leeyahay dalka Giriiga oo ay sheegeen inuu ku sii jeeday Israa’iil.

Afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Brig. Gen. Yahya Sareec ayaa sheegay in kooxdu ay soo weerareen markabka, “Zogravia” oo ku sii jeeday Israa’iil tiro gantaallo ahna ay la beegsadeen.

Farriin muuqaal ah oo toos ah, Saree wuxuu ku sheegay in garaaca markabka uu ahaa “toos ah.”

“Weerarka ayaa yimid ka dib markii shaqaalihii markabka ay diideen baaqyo digniin ah oo ay ku jiraan fariimo loo diray,” ayuu Sarreeye hadalkiisa raaciyay.

Sida laga soo xigtay Ambrey, oo ah shirkad fadhigeedu yahay UK, markabkan oo ka babanayay calanka Malta, lagana leeyahay Giriiga ayaa la beegsaday xilli ay ku sii jeeday dhanka waqooyi ee badda cas, oo 76 nautical miles waqooyi-galbeed ka xigta magaalada dekedda ah ee Saleef ee Yemen.

Tani waxay ku soo beegantay hal maalin ka dib markii fallaagada Xuutiyiinta ay weerar ku qaadeen markab uu Maraykanku leeyahay oo marayey gacanka Cadmeed. Xuuthiyiinta ayaa ballan qaaday in weerar kasta oo mustaqbalka Yemen ka dhaca aanu jawaab la’aan ahaan doonin.

Related posts

Paul Biya oo markii 7-aad ku guuleestay in uu Madaxweyne noqdo

Cabdi Cade

Madaxda Somalia, Itoobiya & Eritreya oo dhisanaya urur cusub (War-Murtiyeed+Sawirro)

Caydiid Ali

Inta badan Wasiiradda xulan oo ku sugan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---