Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Boqortooyada Saudia Arabia oo shuruudo adag ku xirtay iney aqoonsato Israel

Isagoo ka hadlayay Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Gaza.

Faisal bin Farxaan ayaa sidoo kale sheegay in Sacuudiga uu aqoonsan karo Israa’iil haddii ay dhacdo xabad joojin iyo abuurista dowlad ay leedahay Falastiin.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aaday iyadoo dagaalka dagaalka Israa’iil iyo Xamaas uusan u muuqan mid qaboobaya.

“Waxaan isku raacsannahay in nabadda gobolka ay ku jirto nabad ay hesho Israa’iil, balse taasi waxay keliya dhici kartaa nabad iyo dal ay helaan Falastiiniyiinta” ayuu yiri Amiir Faisal bin Farhan.

Amiir Faisal ayaa sheegay in helidda heshiis goboleed iyadoo loo marayo sameynta dal ay Falastiiniyiintu leeyihiin ay tahay “wax aan kala shaqeyneynay maamulka Mareykanka”.

 

Related posts

Shiikh Shariif: “Dalku wuxuu ku jiraa xaalad halis badan oo aan la dhayalsan karin”

Caydiid Ali

Dagaal xoogan oo ka socda Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya cida uu u dhaxeeyo

Cabdi Cade

Dowladaha Somalia & Itoobiya oo qalinka ku duugay heshiis Is-afgarad (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---