Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmay Joachim Waern iyo xogta waxii ay kawada hadleen

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa Magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Safiirka Dowlada Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern.

Kulanka ayaa lagaga hadlayay mashaariicda dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska ee Dowlada Sweden ay ka tageerto Jubaland sidii loo balaarin lahaa gaar ahaan adeegyada bulshada iyo kaabayasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maalmahan ku sugan magaalada Nairobi, waxa uuna halkaasi ka wadaa kulamo uu la qaadanayo wakiillo katirsan Beesha Caalamka.

Axmed Madoobe oo xiriir dhaw la leh dowladda Kenya ayaa inta badan saldhig ka dhigta magaalada Nairobi waqtiyada uu ka maqan yahay magaalada Kismaayo, waxa uuna halkaasi ka sameeyaa kulamo siyaasadeed.

Related posts

Shir looga hadlayo horumarinta Aqoonsiga Dadweynaha oo Muqdisho ka furmay

Cabdi Cade

Wasiir Fartaag oo James Swan kala hadlay arrimo xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Wadahadalo u dhexeeyey dowlada Kenya & Mucaaradka oo burburay & cabsi laga qabo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---