Warbaahinta dalka Ukraine ayaa dhawwaan baahisay in ciidamada dalka Ukraine gacanta ku dhigeen nin Soomaali ah oo la sheegay in uu u dagaallamayay ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaday dalka Ukraine.
Ninkan Soomaaliga ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed ayaa watay baasaboorka Soomaaliga ah, waxa uuna kamid ahaa koox calooshood u shaqeestayaal garab siinayay ciidamada Ruushka.
Anton Gerashchenko, oo ah la taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Ukraine, ayaa xaqiijiyay jiritaanka warka ku aadan in nin heesta baasaboorka Soomaaliga lagu qabtay dagaal ka dhacay magaalada Avdiivka ee gobolka Donetsk.
Dhinaca kale dowladda Soomaaliya oo arrinka ninkan Soomaaliga ah ee lagu qabtay dagaalka Ukraine wax laga weediiyay ayaa ka gaabsatay in ay warkaasi xaqiijiso, waxa ayna dowladda sheegtay in aysan waxba kala socon jiritaanka warkaasi.
Agaasimaha qeybta Yurub iyo Ruushka ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Diinaari, ayaa sheegay inaysan wax war ah ka heyn muwaadinkan Soomaaliyeed ee lagu qabtay dagaalka ka socda Ukraine.
Diinaari ayaa sheegay in wax war ah ka heyn dhallinyarada Soomaaliyeed ee la sheegay in ay u dagaallamayaan ciidamada Ruushka, waxa uuna tilmaamay in wararka nuucaasi ah kaliya ka maqleen warbaahinta.
Dowladda Ruushka ayaa la sheegay in dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku sugnaa dalkaasi ay ku dartay ciidankeeda dagaalka kula jira kuwa Ukraine, waxaana dhallinyaradan qaarkood la sheegay in dagaalka lagu qasbay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com