Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay Xamarweyne iyo Khasaaraha ka dhashay

Qarax xooggan oo ismiidaamin ah uu fuliyay qof waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay bannaanka hore maqaayada Al Hindi oo kutaalla degmada Xamarweyne, gaar ahaan dhabarka dambe xarunta gobolka Banaadir.

Qofka iska qarxiyay ayaa la sheegay in uu galay goob ay xilligaasi fadhiyeen dad kala duwan , waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii goobtaasi ku sugnaa.

War kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay bannaanka maqaayada Al Hindi ku dhinteen saddex qof, sidoo kale ay ku dhaawacmeen  labo qof oo kale.

Booliiska warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ay fashiliyeen qaraxa ka dhacay Xamarweyne, waxa ayna xuseen in ninka is qarxiyay ay booliiska xogtiisa heleen ayna xilligaasi eryanayeen kahor inta uusan is qarxin.

Ciidamada booliiska ayaana baaritaanno kawada aaga qaraxa ismiidaaminta ah uu ka dhacay, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in qaraxa lala damacsanaa in lagu weeraro xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo hanjabaad culus u diray dalalka Midowga Yurub

Caydiid Ali

Gudoonka Aqalka sare ee Somalia fariin muhiim ah diray Senatarada Golaha (Akhriso)

Caydiid Ali

Qaramada Midoobay oo War kasoo saartay Shirka ay isugu imaanayaa DF iyo Maamulada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---