Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Mareykanka oo ka hadlay Markab ay Gantaal ku weerareen Xuutiyiinta

Ciidamada Xuutiyiinta ee maamula qeybo kamid ah dalka Yemen, ayaa weerar culus oo loo adeegsaday gantaal nooca baalistiga ah ku weeraray markab nuuca xamuulka ah oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Taliska milatariga dowladda Mareykanka ayaa sheegay, inaysan jirin waxyeello soo gaartay markabkaasi la weeraray, waxa ayna sheegeen in falkaasi ka dambeeyeen Xuutiyiinta oo garab ka helayay dowladda Iran.

Markabka la weeraray ee dalka Mareykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo Gibraltar Eagle, ayaa xilliga kooxda Xuutiyiinta gantaalada ku weerarayeen waxa uu marayay gacanka Cadmeed.

Shirkadda maraakiibta ee Eagle Bulk Shipping, ayaa sheegtay in markabka uu siday badeecooyin bir ah, wuxuuna ku dhowaad 160 kilo mitir ka baxsanaa xeebaha gacanka cadmeed markii la duqeynayay.

Xuutiyiinta Yemen ayaa weeraro badan ku qaaday dhowrkii bil ee lasoo dhaafay maraakiib badan oo ganacsi, waxa ayna Xuutiyiinta si gaar ah u beegsadaan maraakiibta laga leeyahay Mareykanka iyo Israa’iil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Meydka Xildhibaan Max’uud Seesey oo aas Qaran loo sameeyey

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo bilowday beegsiga ergooyinka doorashada Somalia ka qeyb galaya

Caydiid Ali

Doorashadii ka socotay Baladweyne ee kursiga Hop063 oo lagu kala baxay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---