Allbanaadir.com
NEWS

Soomaalida ku nool dalalka qurbaha oo bilaabay abaabulka dibed baxyo waaweyn

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Jaaliyadda Soomaaliyed ee ku nool Yurub ayaa ka wada hadlay sidii dalalka Yurub looga dhigi lahaa Banaanbaxyo looga soo horjeedo damaca Gurracan ee Ethiopia.

Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Benelux iyo Midowga Yurub ayaa  kulan isugu yeeray Xubno ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg ee la isku yirahdo Benelux.

Waxaa uu sheegay in talaabadan ay qaadeen iyadoo laga jawaabayo baaqii uu Madaxweyna JFS Mudane Dr. Xassan Sheekh Maxamuud uga dalbaday Qurbajoogta Soomaaliyeed in ay gutaan doorka kaga aadan xadgudubka ay Ethiopia kula kacday haybadda dawladannimo iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Ujeeddada kulanka ayaa ahaa in Qurba joogta ku nool wadamada Benelux iyo dhammaan Midowga Yurub in ay is abaabulaan si ay Banaanbaxyo waa weyn oo ka dhan ah Ethipia uga dhigaan wadamada Benelux iyo Yurub, islamarkaana si nabad ah ugu muujiyaan in ay ka soo horjeedaan daandaansiga Dowladda Ethiopia.

Related posts

Dowladda Imaaraadka oo Soomaaliya ku wareejisay Lacag dhan 9.6 Milyan oo Dollar (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Madaxweyne Deni oo dalka Dibadiisa u dhoofay Xili Shirka Dhuusomareeb 3- uu

Cabdi Cade

Xamaas oo Farriin usoo dirtay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---