Allbanaadir.com
NEWS

Weeraro gaadiid loo adeegsaday oo ka dhacay magaalo ku taalla Israel (Sawirro)

Haweeney da’ ah ayaa ku dhimatay 17 kalena way ku dhaawacmeen weeraradii mataanaha ahaa ee Isniintii ka dhacay magaalada Raanana ee bartamaha Israa’iil, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen isbitaallada lagu daweynayo dadkii ku waxyeeloobay weerarka.

Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in laba qof oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen labadii weerar oo isku mar ahaa ay ahaayeen dad ka timid magaalada Hebron oo ku taalla Daanta Galbeed ee la haysto. Booliiska ayaa sheegay inay si sharci darro ah ku galeen Israa’iil ayna hadda ku jiraan gacanta booliska.

Eedeysanayaasha ayaa la sheegay inay gawaari jiirsiyeen tiro dad ah dhowr goobood, sida ay booliisku sheegeen, waxaana uu intaa ku daray in weli ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo lagu xaqiijinayo inaysan khatar kale dhicin.

Xamaas ayaa soo saartay bayaan ay ku ammaantay labadii weerar ee ka dhacay magaalada Raanana ee bartamaha Israa’iil

Xamaas ayaa sheegtay in weerarradu ay jawaab dabiici ah u ahaayeen gumaadka gumeysiga iyo gardarrada joogtada ah ee ay ku hayaan dadkeenna Falastiiniyiinta.

Related posts

Dhismaha Waddo muhiim ah oo kutaalla Muqdisho oo maanta la dhagax-dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Ku dhowaad Boqol qof oo ku dhintay qarax ka dhacay..

Caydiid Ali

Sidee Magaalada Janaale ku gashay gacan dowlada somaliya 10 sano kadib!! (Warbixin)

admin
Taboola Ads ---