Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa ku eedeeysay ciidamada Hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya ee NISA in ay Axaddii shalay soo weerareen Xarunta Shirkadda Hormuud Telecom ee xaafadda Tareebiyaano ee Muqdisho.
War-saxaafadeed kasoo baxay Hormuud ayaa lagu sheegay in ciidanka NISA ay dalbadeen in loo daabaco dhaqdhaqaaqa EVC Plus, balse maamulka Shirkadda ee Xarunta Tareebiyano ay diideen ayaga oo cuskanaya shuruucda dalka.
“Maamulka Shirkadda ee Xarunta Treebiyano oo cuskanaya shuruucda Dalka waxa ay saraakiishii u sheegeen in aysan la wadaagi karin xogta macaamiisha, sida uu qabo qodobka 8aad, faqraddiisa 2aad ee Sharciga Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (Sharci Lr. 003) iyo sidoo kale qodobka 65aad, faqraddiisa 2aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka (Sharci Lr. 005)”.
“Nasiib-darro, ciidankii soo galay xaruntaas waxay geysteen khalkhalgelin iyo ku takrifal awoodeed, waxayna xabsiga dhigeen seddax (3) ka mid ah maamulkii Shirkadda, iyaga oo aanan wadanin fasax maxkamadeed” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.
NISA ayaa horey u sheegtay in baaris ay sameysay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada. Sidaas awgeed, Hay’addu ay shirkadda ka dalbatay inay fatashaad ku samayso dhaqdhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus, sida ku cad qodobka 8aad Faqradiisa 3aad ee sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka”.
“Halkii shirkadda laga sugayay in ay Hay’adda ku gacansiiso gudashada waajibkeeda Qaran, waxa ay diiday wadashaqayntii iyo ka jawaabista codsiyadii loo diray, waxayna fakisay eedeysanayaashii ka tirsanaa howlwadeenadeeda ee la tuhunsanaa” ayuu sii raaciyay War-saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA HORMUUD