Allbanaadir.com
NEWS

Sirdoonka Soomaaliya oo shaaciyay Sababta ay u xireen Shaqaale katirsan Hormuud

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ayaa qoraal ay soo saartay  faah faahin uga bixisay sababta ay u xireen qaar kamid ah masuuliyiinta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud xarunteeda magaalada Muqdisho.

Qoraalka NISA kasoo baxay ayaa sheegay in codsi uga yimid shirkadda 26 bishii December 2023 inay weydiisatay inay ka caawiso dhibaato ay kala kulantay argagixisada, kaddib baaritaan Hey’adda sameysay ay ku ogaatay in qaar ka mid ah shaqaalaha Hormuud ay wada shaqeyn iyo xiriir la leeyihiin Argagixisada.

Hay’adda NISA ayaa sidoo kale sheegay in ay ka dalbatay shirkadda Hormuud inay fatashaad ku sameyso dhaq dhaqaaqa koobtooyin Bangi iyo adeegga EVC, sida ku cad qodobka 8aad farqadiisa 3aad ee Sharciga NISA , balse Hormuud ka biyo diiday.

NISA ayaa sheegtay in shirkadda Hormuud ay diiday in ay gacan ku siiso gudasha waajibaadkooda Qaran, ayna  diiday Wada shaqeynta iyo ka jawaabida codsiyadii loo diray,iyaga oo ku eedeeyay in ay fakisay dadkii la tuhmayay.

Qoraalka NISA kasoo baxay ayaa lagu sheegay in iyaga oo gudanaya waajibkooda tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadeen qaar kamid ah howlwadeennada shirkada Hormuud oo ay sheegeen in ay is hortaag ku sameeyeen shaqada hay’adda NISA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo saakay rag badan laga dilay hubna laga furtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maamulka Jaamacadda Benaadir oo kulan la qaatay Maamulada Iskuulada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxa barnaamijka CIP ee World Bank iyo Wafti uu hogaaminayay oo Gaaray Garawe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---