Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Somaliland oo Qiil yaab leh u sameeyay xarriga Wasiir Axmed Muumin Seed

Ciidanka ammaanka maamulka Somaliland ayaa xalay magaalada Hargeysa ku xiray Wasiirkii hore ee wasaaradda Beeraha Maamulkaas Axmed Muumin Seed, kaddib markii wasiirka kahor yimid heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya.

Warar horey usoo baxay ayaa sheegaya in madaxweyne Biixi ka carrooday wareysi uu bixiyay wasiirkan horey uga tirsanaa xukuumaddiisa, kaa oo si cad uga soo horjeestay in Itoobiya la siiyo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

War kasoo baxay taliska booliiska Somaliland ayaa qiil yaab leh loogu sameeyay xarigga wasiirka, waxa ayna booliiska sheegeen in wasiirka aan loo xirin arrimo siyaasadeed balse loo xiray dacwo uu muwaadin reer Somaliland ah kasoo gudbiyay.

Afhayeen u hadlay booliiska maamulka Somaliland ayaa sheegay in wasiir hore Axmed Muumin Seed loo xiray dacwad uu kasoo gudbiyay muwaadin reer Somaliland ah, waxa uuna xusay dacwada wasiirka in ay taalo maxkamadda oo ammartay xarrigiisa.

“Qof shicib ah oo lamid ah oo muwaadin ahna wuu dacweynayay, waxayna taallay dacwaddaa maxkamadda, isagana waa ku qanacsan yahay marka waa qaabkaas dacwadda,Haddii wax kale la sheegayo annaga ma ogin, laakiin waxa loo haystaa waxaa weeye kiis uu maxkamadda ka damiintay oo lacag ah, lacagtaas dadkii dhibanaha ahaa waxay soo goosteen warqad waaran ah oo lagu qabanaayo ninkaas” ayuu yiri afhayeenka.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Beeraha Maamulkaas Axmed Muumin Seed ayaa shalay la xiray kaddib markii uu bixiyay wareysi xasaasi ah uu kaga hor-yimid damaca Itoobiya, waxaana warka booliiska u muuqdaa mid qiil loogu sameenayo xarriga siyaasigan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Lix Bilood kadib Is Casilaadii Ra’isul Wasaare Kheyre maxaa is bedelay ?

Cabdi Cade

RW Khayre oo caawa la afuray dhallinyaro Soomaaliyed oo dowladu ka soo celisay Liibiya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo caawa tagay xarunta Safaarada Imaaradka lana kulmay Axmed Jumca

Cabdi Cade