Allbanaadir.com
NEWS

Xarun degmo oo kutaalla Muqdisho oo korontada laga jartay iyo Shaqooyin badan oo xayirmay

Xarunra degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa la sheegay in dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay laga jartay korontada, kaddib markii ay maamulka iska bixin waayeen lacag kumkanaan kun dollar ah oo lagu yeeshay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in maamulka shirkadda koronta ay adeegsadaan xarunta degmada go’aansadeen in ay korontada ka jaraan xarunta, si ay u helaan lacagta badan ee lagu leeyahay xaruntaasi.

Xarunta degmada Yaqshiid ayaan jirin wax shaqo ah oo ka socda , waxaana xaruntan xafiisyo ku leh ayna xayiran yihiin shaqooyinkii ay bulshada u qaban jireen maxkamadda degmada, xarunta dadka dhigista iyo sidoo kale hay’adda NIRA ee aqoonsiga bixisa.

Qaar kamid ah bulshada ku dhaqan qeybta Bari ee gobolka Banaadir oo howlo shaqo in loo qabto u tagay xarunta degmada Yaqshiid ayaa dhowr maalmood ku lug go’ay, kaddib markii loo sheegay in cumpuyuutaradii loogu shaqeyn lahaa koronto la’ana u dansan yihiin.

Marar badan ayaa sidaan oo kale xarumo degmo oo kuyaalla magaalada Muqdisho waxaa looga jartay korontada, kaddib markii ay maamulka xarumahaasi iska bixin waayeen lacagaha korontada ee lagu yeeshay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Labo Cadaw oo la sheegay in ay leedahay magaalada Balad Xaawo iyo Howlgalo ka socda

Cabdi Cade

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo goor dhow ka dhacay Woqooyiga Gaalkacyo

Caydiid Ali

Duq Magaalo oo iska dhigay Curyaan Sabool ah iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---