Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsato Carbeed oo dooneysa in dalka Maal-gashadaan oo soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa soo gaaray ganacsato ka socota dalka Qatar, kuwaa oo doonaya in maal-gashi ku sameeyaan Soomaaliya , iyaga oo qiimeyn ku sameenaya mashaariicaha ay ka fulin karaan gudaha Soomaaliya.

Ganacsatan Carbeed ayaana kulan gaar ah la qaatay wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beenebeene) iyo masuuliyiin kale oo ay xildhibaanno ku jiraan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray mashaariicda suurtagalka ah ee waxtarka u leh labada dhinac, iyo sidii la isaga kaashan lahaa daboolidda baahida loo qabo mashaariic maalgashi oo xagga guryaha, tamarta, iyo kaabayaasha dhaqalaaha dalka.

Ganacsatada ka socotay dalka Qatar ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya kana hir-galiyaan mashaariicyo kala duwan oo wax-tar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed .

Soomaaliya oo hadda kasoo ka baneysa bur burkii iyo dowlad la’aantii sannadaha badan soo jirtay ayaa soo jiidaneysa indhaha shirkado iyo hantiilayaal dunnida ku sugan ,kuwaa oo doonaya in maal-gashi ku sameestana Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Cali Guudlaawe: “Jowhar waxaa ka dhici doona doorasho hufan oo si dhab ah loogu tartamo”

Caydiid Ali

Dowlada federaalka oo aqoonsigii kala laabatay Maraakiibta sita Calanka Somalia

Caydiid Ali

Xog cusub oo laga helay sababta uu Farmaajo u hor taagan yahay kiiska Ikraan Tahliil

Caydiid Ali
Taboola Ads ---