Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Xaaji Aadan ayaa kulan gaar ah la qaatay danjiraha cusub ee dowladda Hindiya usoo magacwday Soomaaliya marwo Namgya Choden .
Wasiirka ayaa Danjiraha kala hadley iskaashi buuxa oo laga yeesho horumarinta caafimaadka labada dal iyo in Soomaaliya loo tababaro xirfadlayaasha caafimaadka, si kor loogu qaado aqoonta iyo xirfada dhaqaatiirta Soomaaliyeed.
Danjiraha Hindiya ayaa dhankeeda soo dhawaysay qodobada laga wada hadlay, iyadoo balan-qaadey in khuburada caafimaadka Hindiya ay kala shaqeyn doonaan Wasaaradda Caafimaadka, sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadaha caafimaadka ee dhaqaatiirta iyo howl wadeenada caafimaadka dalkeena.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada waxa ay xoogga saaraysaa in dalkeenu gaaro isku filnaasho dhinaca caafimaadka ah iyo sidii dhaqaatiirteena ay u heli lahaayeen khibrad dheeri ah si ay u daboolaan baahiyaha Caafimaad ee dalkeena ka jirta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com